|
|
Nimco Dareen Fanaanada Ugu Socdaalka Badan.
2011-12-22 13:41:02
Fanaada caanka ah ee Soomaaliyed Nimco Dareen ayaa noqotay fanaanada ugu shacbiyada badan fanaaniinta Soomaalida iyadoo aduunka meel kasto oo soomalidu joogto ka tuntay heeseheeda macaan, waxaana la dhihi karaa Nimco waa fanaanada ugu socdaalka badan xiligaan waxeyna booqasho faneed ku tagtay....
Nimco Dareen: Waa been aan sal iyo raad laheyn inaan Nin cadaan ah guursaday.
2011-11-20 14:21:01
Fanaanada Soomaaliyeed ee Nimco Dareen ayaa waxay ka hadashay arrin maalmahan dambe ay isla dhex marayeen website-yada qaarkood oo ahaa sawir Haweeney shabbahda fanaanada oo aroos ay nin caddaan la galeyso afkana ka dhunkaneeysa kaasoo lagu faafiyay websiteyada bulshada ay ku xeriiraan iyo....
Nimco Dareen oo ku raaxeysatay Heestii Calaf ee Dhaantada Cusub
2011-11-08 09:48:57
Sidii looga bartay Fanaanada Nimco Dareen markale soo saartay hees Dhaanto nooca casriga ah , waxeyna Nimca kasii daysay heestaan Barmaanijkii Habeenkii Ciidda ee Tv-ga Universal.{loadposition user4}Heestaan oo halkudhageeda yahay Calaf ayaa noqotay mid xaadda istaajisay dadka ku raaxesyta heesaha....
Nimco Dareen iyo Cali Bashiir Dhaanto Cusub ayay ku gaardiyeen
2011-11-01 22:41:54
Nimco Dareen oo waayahan ku sugneyd Magaalada Jigjiga ee Dowlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya ayaa waxey markale kusoo tuurtay hees Dhaanto ah ay wada qaadayan Fanaanka Cali Bashiir oo caan ku ah Dhaantada cusub kaasoo ah isna fanaan ku nool Jigjiga loogana bada dhacay Dhaantada nooca....
Nimco Dareen oo si kulul u weerartay Website-yada ka been abuurtay.
2011-10-12 12:02:37
Fanaanada Soomaliyeed ee Nimco Dareen oo dhawaan safar ku tagtay dhulka ay kasoo Jeeddo Ismaamulka dowlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya ayaa waxey cambaareysay si ku kululna ugu jawaabtay warar been ahaa oo ay ka qoreen qaar ka mid ah website-yada wararkaasoo ahaa in Nimco Dareen la xeray oo....
Nimco Dareen oo Jigjiga lagu soo dhaweeyay dhaantana ku tuntay
2011-09-30 21:31:54
Fanaanada Nimco Dareen oo lagu naaneeso Boqorada Dhaantada ayaa waxey ku laabatay dhulka asal ahaan kasoo jeeddo ee Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan magaalada Jigjiga iyadoo Nimco Dareen loo soo dhaweeyay si aad u heersareysa waxaana garoonka ugu yimid wasiirro iyo....
Nimco Dareen Heesteeda Ubad oo maalmahan Kacsan
2011-05-09 20:21:11
Heesta Ubad oo ay ku luqeyso Fanaanada Nimco Dareen ayaa maalmahan aad looga dhageystaa Goobaha ay Soomaalida iskugu timaado ama ku caweyso iyadoo dhanka kalena dadka isticmaala facebook ay aad u wada wadaagaan heestaas dhageysigeeda.{loadposition user4}Nimco Dareen oo ah Boqorada Dhaantada....