HomeCeleberity NewsVideosPhotosFanaaniinQalinka AqristahaContact Us
Mogadisho Local Time
K’naan iyo Warbaahinta Dalka South Africa….Ma Argagixiso ayay moodeen mise? PDF Print E-mail
Monday, 19 July 2010 00:36

 

K’naan Abdi Warsame sanadkan 2010 waxa uu noqday shaqsiga ugu caansan caalamka intiisa badan kadib markii heestiisa “Waving the Flag” ay noqotay hees indhaha caalamka soo jiidatay, K’naan ayaa sidoo kale ku caan baxay heesaha Raab-ka loona yaqaan “Rap songs” ee sida reer Galbeedka loo qaado isago ku heesa Luuqada English-ka oo wax badan ka caawisay in heesihiisa ay noqdan kuwo caan ah dad badana ay jeclaadaan ama dhageestaan/daawadaan.

K’naan ayaa in ka badan 86 Magaalo oo caalamka ah ka qaaday heestiisa “Waving the Flag” xilli uu la socday Koobka aduunka oo caalmaka intiisa badan lagu soo wareejiyay, Heesta K’naan ayaa runtii noqotay hees aad loo jecleesatay isla markanaa sida uu sheegay uu ugu tala galay 6 jir ilaa 60 jir in ay fahmaan dabcana dadka dhalinta ah aad ayay u jecelyihiin heesta K’naan iyadoo dalka India ay heesta K’naan noqotay heesta loogu jecelyahay in ay dhalinta dhageestaa/daawadaan.

K’naan iyo Koobka Aduunka.

K’naan ayaa noqday shaqsi dad badan ay ku xasuusan doonaan koobka aduunka ee 2010 dalka South Africa, dadka ku nool Africa gaar ahaan geeska Africa ee ciyaaraha ka daawada shirkada DSTV ee xarunteedu tahay dalka South Africa iyadoo shirkadan ay tahay “multi-channel digital satellite TV”, Kanaaladda laga daawado Shirkadan waxaa ku jiro kuwo ay Maamusho shirkada SuperSport (TV channel) oo inta badan ciyaaraha ama Kubada caalamka sida Horyaaladda laga daawado, Shirkadan SuperSport ayaa guud ahaan si wanaagsan looga daawaday ciyaaraha dadka ku noola Africa waxayna inta badan dadka daawanaya ay maqli jireen codka Al-fanaan K’naan oo runtii indhaha caalamka soo jiitay.

32 dowladd, Kumanaan taageero ah oo dalka South Africa yimid iyo Malaayiin dad ah oo TV-ga kala socday ciyaaraha waxa dhagtooda ku soo dhacayay heesta “Waving the Flag” taasi oo magaca iyo sharafta K’naan gaarsiisay meel sare.

Waxaaba intaas ka sii cajiib badan in markii dalka Spain oo koobka aduunka qaaday ay dalkoda dib ugu laabteen in Malayiin dadka ah ay soo dhaweeyeen iyadoo heesta K’naan ee “Waving the Flag” oo codbaahiyaal codad dhaareer lagu gudbinayay laga shiday halkaas oo ay ka socotay damaashaadka iyo soo dhaweynta xulka qaranka Spain.

K’naan iyo Calanka Soomaaliya.

K’naan Abdi Warsame inkastoo uu Soomaali yahay haddana waxa uu heestaa dhalasho dalka Canada ah, wuxuu intaas kala midyahay Soomaalida badan ee Caalamka daafihii ku sugan kuna socdaala dhalasho aan Soomaali aheyn.

Warbaahinta caalamka inta badan waxa ay isticmaalaan oraahda ah “Somali born Canadian”, inkastoo marwalba magaca Soomaali uu yahay midka ugu horeeya ee la sheego, iyadoo K’naan uusan yahay wadani runtii dhab ah.

Xafladdii Furitaan-ka ee Koobka Aduunka oo uu K’naan ka qaaday heestiisa “Waving the Flag” waxa uu watay/sitay calanka Buluuga ah ee Soomaaliya iyadoo dad badan mark ay arkeen in K’naan uu calanka Soomaaliya ka lulay South Africa ay farxad la ilmeeyeen, halka maanta ay Soomaaliya joogan kooxo diidan Qaranimada iyo astaamaha umadda Soomaaliyed, halka K’naan uu dadaal ku bixiyay sidii magaca Soomaaliya ee la bahdilay iyo calanka Soomaaliya ee dhulka lagu jiiday u mar kalle u soo noleen lahaa.

Xildhibanad aan kula Kulmay intuu uu Koobka aduunka socday ayaa ii sheegtay in ay Ilmeesay marka ay aragtay K’naan oo calanka Soomaaliya wata isaga oo boqolaal dad ah ka hor qaadaya heesta “Waving the flag”, balse waxaa wax laga xumaado ah ayay tiri in maanta dad aan la aqoon waxa ay u dagalamaan ay Calanka Soomaaliya ee dhibaatada loo soo maray ay yiraahdaan waa wax laga gudbay..

K’naan waa Geesi, waa Wadani, waxa uu galay diiwaanka taariikhda Umadda Soomaaliyed, waxa uu inoo yeelay sharaf anagoo wali ku mashquulsan in aan dhiigeena daadino bals rajadu waxay tahay in laga bixi doono.

K’naan iyo Warbaahinta dalka South Africa.

Guud ahaan Warbaahinta dalka South Africa inta aysan bilaaban koobka aduunka waxa ay wax badan ka qoreen in Argagixiso Soomaali ah ay Koobka aduunka Qaraxyo iyo dhibaato ka geesan donaan, balse Koobka aduunka si nabad ah ayuu ku dhamaaday oo waxa la sheegayay waxba kama jirin, dabcan South Africa sida Uganda oo kalle maahan oo waa dal horumar dhinac badan ka sameeyay, Ciidankiisa aysan Soomaaliya joogin sidoo kalana aanan Xuduud dhow wadaagin.

Dalka South Africa waxaa lagu dhibaateeyay Soomaali badan, lagu dilay, dhacay sidoo kalana qaarkood lagu gubay iyaga oo nool walina dabcan dhibaatadaas way socotaa mana filayo in ay joogsan doonto inta dhibaatadda dalka Soomaaliya ay socoto.

Warbaahinta dalka South Africa oo K’naan ka hadlayay ayaa tilmaamay in uu yahay nin Kibir badan, isla weyn isla markaana ah Shaqsi xir-xiran, qoraalkan ayaa ku soo baxay wargees laga leeyahay dalka South Africa.

“Ma ahan shaqsi la fahmi karo, markii aan u sheegnay ama ka codsanay in uu Show ama Bandhig ku qabto Alexandra township wuxuu sheegay in ay tahay meel aan amaan aheyn” waa erayo ka mid ah qoraal uu wargeeska Sunday times Bogiisa Internet-ka lagu soo dabacay. Iyadoo wargeeska uu yiri “Sidan waxaa u hadlaya shaqsi ku dhashay Magaaladda Mogadishu”.

Wargeeska oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan helnay daleeceemo ku aadan in K’naan uu dad badan u diiday in uu sawir la galo”, sababtoo ah K’naan waa shaqsi can ah, inta badana dadka waxaa caado ah in dadka Magaca leh ay sawiro xasuus ah la galaan.

Eedeemaha wargeeska Sunday times oo runtii ku dhisneen xaqiiqo ayaa cadeyn u ah in Warbaahinta South Africa ay ka xunyihiin in shaqsi Soomaali ah uu heerkaas gaaro isla markaana dalkooda uu calanka Soomaaliya ka babiyay, sidoo kalle shacabka South Africa ee dhibaatada u geesta Soomaalida Qaxa ku ah dalkaasi ayaa tilmaam sidoo kalle u ah in Warbaahinta ay ku faraxsanyihiin dhibataada loo geesanayo Soomaalida, dhan kalle inta uusan koobka aduunka bilaban waxa ay Soomaalida ku tilmaameen in ay yihiin dad Argagixiso ah marka wax walba way iska cadyihiin dabcan.

Haddiiba ay arrintu sidan tahay soo iska cadda in south Africa ay Soomaaliya cadow ku tahay? Soo la oran karo waxa ay ka xunyihiin dhibaatadda lagu hayo Soomaalida? Waa la dhihi karo K’naan in uu meeshaas gaaro waxa ay ku noqotay wax lama filaan ah?.

Salamat

Ibraahim Da’ud Abdalle

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Djibouti, Djibouti Capital.

Comments

sharmaake
caado maaha fanaankaan soomaaliyeed ha iska hadlaan dadkaas ama joornaalada wax ka sheegaya k'naan waa fanaan qaa;i ay oo ku weyn dhamaan shacba caalamka iyo gaar ahaan shacabka soomaaliyeed waxaan leeyahay noolow k'naan
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
SHAAKIR
waxaay rabaan hadhahaan ayaee jirtaa yeelkadooda waba necbahy dadkaas waa bahalo neceb umada somali ween mujrimiintaas wilkan waxy rabaan hahdhaan anagaa jecel wana wilkeena SOMALIYEED MASHLAAH AFKOODA URAAYO DOFAARTAN WILASHII SOMALIYEED DHIIGOODA CABY WAYAB SIHADLAYAANBA NACALD HAIDINKUDHACDO DHEH REER KONFOR AFRIKA INTOODA XUN!! VIVA KAYNAAN,
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
OGADEN BOY
runtii waa wax lagu farxo in uu bartaa gadhay nin naga mid ah balse waxan kula talin lahaa walaahayaga ku dagaalamaaya qabiilka ama diinta ama wax aan jirin in ay iska dhaafan dagaaalka oo anu mid noqono,hadayna dhici karin aanu sida maraykanka isku maamulo kaliya aanu mid ka aahaano lacagta milatriga iyo nin arimaha dibada noo xilsaaran policeka iyo shuruucda gobalkastaba tiisa ha samaysto sidaas sideed u aragtaan anigu ma ihi qof kasoojeda somalia balse waan kudhashay wax ku bartay ilaa heer dugsi sare lasooo dhaqmay,marna maan dareemin in aanka imi SOMALI GALBEED ama OGADENIA ,waxan sidaa ka wadaa hadii horumar lagu gadhayo kali nimo jabouti baa gaadhi lahayd oo geeska africa u talin lahayd,dadka waa la dhaqdaa haduu dadkaagu yar yahay waligaa meel gadhi maysid waxaad ka hadlaysaan 3milyan 2milyan oo wadan isku sheega waan ku farax sanahay walaalahayga S/LAND IYO P/LAND aanu midawno oo anu noqono gobalo ismidaysta kadibna geeska africa inagaa utalinayna halka ETHIOPIA u taliso inagaa wax laynaga waydiin doona walaahi waan dhaartay e intaad leedahay reer hebal 100 baan kadilay anagana 5 baanaga dhimatay waxba maad soo kordhin kaliya SOMALI uun baad hoos u dhigtay qabiil hadaad ku fanayso qabiilkagu kama badna 17 20kun oo qof haday u badato,maxaa hamigaa yareeyay maad xukuntid 30ka milayan ee somalida ah ama caalamka kunool ee geska africa wada daga 2milyan maxay tari hadhaw yaa kudifaaci hadaad cadaw is qabataan sawdiga walaalka 100 kadilay war aanu dadka dhaqano oo anu isku duubnaano aduunku wuu midoobayaa inana waynu kala ordaynaa
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
saki maxamud
s frica maanta waxaa laadhihi karaa waadadka ugu cawansan africa waana wax magarato waxey qaaadan lah yihiin k naan ,aamta haduu ahaan lahay k naan cadan sidaan wax ugama qoreen
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
nikii yare
way wa kabax satay waji wacan ba soalida calaka ugalisay masha alah k, naan ad ban ugu faraxsa nahay wana ku tagera sxb
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
nihaa
waaaaaaaaaaaw wlhi waku faraxsanahay inu dabecadihisa ay ka mid noqto inu yahay kibirow k'naan waxa uu u gabinayo south africankas waxa uu a socda sida aya somali u galan mida kale k'naan mabruuk aa ku dhahay devid basbil uu ahaa ninki ugu horeyay oo hesta waving flag la so saro k'nan isagana wa spanish so spanishka wa dadka ugu tagersan manta k'naan
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
MULIISH
A/C ALL
vivo keynaan
wa ku mahaantahay sida aad sare ugu qadey calanka somaliyeed inta aya muhiim ah
sootafrikan hadalkoda waxbo uma aragno
wa bahalo neceyb somalida intana waxa u keneyso cawanimada
wana arin muhiim ah in uu diido in meel naftiisa qatar ku ah ka sameyo bandhig ama siday wax u raban u yeelo
teeda kale
hadii uu soomali yahay uu muqdisho ku dhashay manta xataa marxalada muqdisho tagan ma yeelayo tag muqdisho naftisa ayuu badbadinayaa marka meshan inuu ku sameyo shoow teeda kalana sawir maha in qof kasto la galo
maxa yelay sootafrikanka ma laisku amini karo waa dilaayaal
wana ku mahadsanyahay siduu naftiisa ugu taxadirey
wana sameyey waxii uu ka lahaa heessta adunkana way gartey
reer soot afrika ayagey u taalaa jareerta wareersan
vivo keynaan ha u bixin dadkan cawanka aragtidooda
ayagoo nabad haysto ayeyy dilaa wada yahiin oo bustoladaha ku watan magalada
maxey muqdisho ka cayaaan
get lost dheh reer soot afrika gumeysigii ayey ku ficnayeeen
mandeele intan ka aheyn wa cawaaniiim
kkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkk
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
Guureciid
K'nan sxb iinolow, iina bashal, cadawgagana cagta hostisa. waxan ahey tagerahaga 1aad bro
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
hoyo uroon
walhi k'naan waaa wiil wadani ah markan aqrisanayey mar wa oyaaa marna waaa farxaaaa ...... dadkaaan waxe doonaan ha dhahaaan anaga kujecel k'naan kibirkisa iyo isla wenaantisa
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
Guuleed
Ha iska Tac Tca leeyaan waxma tarayaasha La Gumaysto haday wax terayaan gumaysiga ila ahada Haysta ayay iska kicin lahaayeen bal maaragteen Dal Dahabkiisii dadkii u dhashay ay ka soo qodayaan meel dhulka u hoos u qodan 1000 km isla markaana aan calfanayn ee Xamaal kaliya ka ah intee waxaas lagu arkay Sauth Africa in ay hadashaba ma banaana Dad kale ha alakin kuwaa ha iska amausaan Khayraadkaagii ha la iska gurto adna xamaali ka noqo waa wax laga naxo Soomaaliyaaba kHayraadkeedii weli dhulka ugu jiraa lakin Soomalai maahan dad la dhici karo waataa Americanka iyo rere Yurub ay Calfan la,yihiin waxa Badeena Khayraad yaal
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
Geel Jire
Lax walba meeshaay is dhigto ayaa lagu qalaa, Waa labatan sano inta ay wadankooda nabadeysan la yahiin, bal fiiri nabadu sida ay muhiim u tahy, hantidooda ayay gashaan lahayen dhulkoodii hooyo, maanta lama gubeen iyagoo nool, lama dhaceen xoolahooda, kuwooda magaca leh oo cayarihii aduun ka furayna lama af lagaadeyeen. please wake up you all somali, dhulkiinii baa idin baahan inaad dhistaan, inta aad qaxooti tihiina wax walba fisha....... meesha aad wadamo shisheeye diiday
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
noolow keynaan soomaaliduna ha isracdo mel walba ay jogan
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
samalle
WALAAHI WAAD MAHADSANTIHIIN DHAMAANTIIN SOOMAALI HA NOOLAATO K!NAAN HA NOOLAADO
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
waan ku faraxsanahay wiilkaa walaakeen ah inuu u istaago Dalkiisa oo uu tuso in somaliya ay weli leedahay sumcad iyo sharaf aan la koobikarin.Marka mabruuk walaakeeb magaceena iyo sumcadeenaba kor ayuu u qaaday .Maalintaa waxay ahayd maalin farxad badan oo dadka soomaaliyeed waxaa u soo hoyday sharf iyo magac.marka meeshaada kasii amba qaad ayaan leeyahay K,nan waa GEESI U ISTAAGAY SHARFTEENA.
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
deeq kooreeye
run ahaantii ka,naan cabdi warsame waa wiil soomaliyeed oo soomalida oo dhan ka farxiyay wuxuuna dadka tusay in uu wadankiisa jacelyahay maansha allah ilaahay ha daayo noolow meelkaste oo aad joogtaba
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
Cancel
Name *
Email (For verification & Replies)
Code   
 

JavaScript is disabled!
To display this content, you need a JavaScript capable browser.

Fanaanade u kacsan?





 
facebook soon soon