|
|
4007 | Tweet |

Jilaaga caanka ah ee Bollywoodka Shahid Kapoor ayaa wareysi dheer bixiyay kaasoo ku saabsan Diinta uu heyso iyo sida uu ugu dhaqmo, isagoo si faah faahsan uga hadlay arimihaas oo dhan.
Labada waalid ee xidigaan iska dhalay waxaa lagu kala magacaabaa Pankaj Kapoor iyo Nilima Azeem, wexeyna kala tegeen waqti hore iyagoo isku khilaafay dhanka ra'yiga, waxaana Shahid lagu xaman jiray in uu isku heysto Diinta Islaamka iyo tan Hindu.
Lakiin Su'aal laga weydiiyay arintaas waxa uu sheegay in aan waxba ka jirin, isagoo yiri "markii aan yaraa waxaan eegay nafsadeyda waxaana isku heystay inaan ahay Muslim kan ugu wanaagsan, Hooyadey ayaa gudaha iga saameysay Islaamkuna waa wax aad u xoog badan xitaa diin kale weligey qalbigeyga masaameyn ayuu yiri.
Waxaa la weydiiyay su,aal ah sideed daaha uga qaaday sirtaada gaarka ah' gaarahaan waxa aad rumeysantahay ama aad aaminsantahay?
Waxa uu ku jawaabay Shahid waa maxaay sirta aad ka hadleyso? Diintu manoqoto sir. diimuhuna maaha wax sida kutub inta la furo la iska rumeeyo oo kale.
Diinta Islaamku waa diinta kaliya ee aan leheyn wax la qariyo, waxaa si toosa loogu cadeeyay mabaadi'deeda aasaasiga ah Kitaabka Xurmada leh ee "Quraanka Kariimka" sidaas waxaa yiri Shahid Kapor.
Shahid oo hadalka sii wata ayaa yiri waajib kuma ahan Insaanku in ay bartaan luqada Carabiga si ay ugu aqriyaan uguna bartaan Quraanka, luqad kasto ayaana ku fahmi karnaa Quraanka weliba si fudud ayuu yiri.
Laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay qof kastaa oo Diinta islaamka qaatay waxaa ku waajiba in uu si dhameystiran u rumeeyo "Allaah" iyo Nabigiisa "Mohamed" naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee, Shahid ayaa mar kale sidaas ku dhawaaqay.
Mar labaad ayaa la weydiiyay su,aal ah: waanu ku ognahay in aad Muslim dhab ah ka tahay qalbiga laakiin Bisha Ramadaan iyo Salaada sideed isku tahiin?
Waxa uu ku bilaabay hadalkiisa inta anan ka jawaabin su,aasha xiligii aan ahaa caruurta waxaa guriga leygu bari jiray Quraanka laakiin waan ku fashilmay aad ayaana ugu dhibtooday maxaa yeelay ma awoodin in aan aqriyo luqada Carabiga iyo tan Urduga.
Mar kale ayaan isku dayay laakiin nasiib daro waan ku fashilmay oo waan kari waayay, balse saaxibadey ayaa ibaray xoogaa Quraan ah, waana lahadlaa Allaah markii aan Tukanaayo, waxaana weydiistaa dambi dhaaf maxaa yeelay quraanka waxaan ku aqristaa Ingiriis taasina wax badan ayeey isaaciday aad yaana ugu faraxsanahay midaas.
Waxaan kale oon idiin sheegaa inaan aqaano Suuradaha iyo Aayaadka ugu muhiimsan Quraanka korna aan ka aqri karo ayuu ku yiri Shahid shaqsigii wareysanaayay.
In kastoo aan shaqeysto sida badana aan ahay mashquul hadana ma ilaawo waajibaadka diiniga ah waana tukadaa Shanta Salaad ee waajibka ah.
Waxaa la weydiiyay su,aal ah maxaa kale ood sameysaa marka Salaada laga reebo?
Shahid: Waxa jira wax yaabo badan oo Hooyadey sameyn jirtay sida Zakada iyadoo maalka soo gala 2.5% siin jirtay masaakiinta, garoobada iyo dadka u baahan ee fuqarada ah.
Aniga waxaan sameeyaa oon isku dayaa inaan saacido dadka masaakiinta ah ee baahan ilaa xiligaan lajoogana waan u taaganahay, hadii aan galo wax dambiya ogaasho la,aan ama aan si kas ah u sameeyo Allaah ayaan dambi dhaaf weydiistaa.
Anigoo og inaan ahay Shahid Kakpoor waxaan Twiterka ku soo qoraa marka lagaaro bisha Ramadaan "Ramadaan Kariim" xiliga ciidahana "Ciid wanaagsan" ayuu ugu dambeyn hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Mr Shahid Kapoor.
Jilaa.com
Info@jilaa.com