34309 | Tweet |

Jilaagaan canka ah ee Ajay Devgan ayaa amaanay Sanjay Dutt oo saaxibo isku dhaw yihiin halka uu dhinaca kale weerar culus ku qaaday Hrithik Roshan, Ajay ayaa yiri guul kasto oo ka timaada filimka cusub ee "Agneepath" waxaa leh Sanjay Dutt waana in sidaas la ogaado.
Isbuucyadii lasoo dhaafay ayuu daawaday Ajay filimkaan wuxuuna kedib sheegay in Libaaxa filimku yahay Sanjay Dutt halka uu ku tilmaamay Hrithik Shabeel, filimkaan ayaa si wanaagsan ku bilowday wuxuuna guulo ka soo hooyay Shineemooyinka iyadoo warbaahintu si wanaagsan u amaaneen qab jiliinka Hrithik Roshan.
Ajay Devgan ayaa dhinaca kale sheegay in muuqaalka Hrithik Roshan lasoo baxay uu yahay wax beena oo la farsameeyay, laakiin su,aasha is weydiinta mudan ayaa ah muxuu Ajay ka doonayaa xidigaan weerarka intaas la egna ugu qaaday, iyadoo aanu ognahay in Hrithik ka mid yahay xidigaha ugu guulaha badan Bollywoodka waqtiyadii ugu dambeeyay.
Jilaa.com
Info@jilaa.com