|
|
2783 | Tweet |
Soo saaraha caanka ah ee Bollywoodka Sanjay Lal ayaa ku dhawaaqay in filimkiisa cusub ee " Bajirao Mastani" uu go'aan saday in ay wada jilaan Shah Rukh Khan iyo Aishwarya Rai, wuxuuna ku dhawaaqay soo saaruhu in sawrika filimka la bilaabi doono June marka uu jawaab ka helo labadaan jilaa.
Waxaa u sharaxnaa filimkaan in uu hogaamiya ka noqdo Salman Khan oo soo saaruhu sheegay laba sana ka hor in uu u dhiibi doono isaga iyo Aishwarya, waxaana in badan la sugaayay Salman oo ku mashquul sanaa shaqooyin kale, waxaana ka dhax dhacay Salman iyo Aishwarya Khilaaf balse Mr Sanjay waxa uu ku adkeystay xiligaas in uusan ka bedeleen Salman Booskiisa.
"Ha yeeshee markii uu sii siyaaday khilaafkii u dhexeeyay Salam Khan iyo Aishwarya Rai waxa uu go'aansaday Sanjay Lal inuu u sharoxo Shah Rukh Khan hogaanka filimkaan, laakiin weli wax jawaaba lagama helin dhanka King Khan in kastoo la filaayo in uu qalinka ku duugi doono.
Jilaa.com
Info@jilaa.com