HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
1860
Soo Saare Raj Kanwar Oo Geeriyooday.
2012-02-04 19:08:44


Soo Saaraha caanka ah ee Raj Kanwar ayaa ku geeriyooday magaalada Singapore maalintiii shalay, Raj ayaa halkaas u aaday qaab caafimaad wuxuuna doonayay in Kili loo abuuro laakiin taasi laguma guuleysay oo wuu u geeriyooday.

Raj Kanwar filimadii uu caanka ku ahaa waxaa kamida "Deewana" oo ah filimkii ugu horeeyay ee uu jilo King Khan waxaa kale oo kamid ahaa "Laadla", Daag, The Fire, Jeet, iyo qaar kale oo ciida ka badan.

Xidiha Bollywoodka ayaa taci u diray Kanwar, waxaana ugu horeeyay Shahrukh Khan oo sheegay in ay saaxibo isku fiican ahaayeen Raj balse qadartu kala geysay noloshiisuna in tisaas ay ku ekeed, isagoo ugu dambeyn yiri waan ku waayay mudaneheygiyow, Madhur, Melab, iyo Sangeeth Sivan, ayaa iyana sheegay in ay kamurugeysan yihiin geerida naxdinta leh ee ku timid Raj Kanwar.


Jilaa.com

Info@jilaa.com

Be the first to comment on this article
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween