13118 | Tweet |

Xiddigaha Bollywood ee kala ah Kareen Kapoor iyo Saif Ali Khan ayaa waxey si rasmi ah isku guursadeen maanta iyagoo Nikaaxa ama meherkoodana maanta uu ku dhacay guriga Saif oo ku yaala Bandra Mumbai waxeyna caawa xafladda damaashaadka arooskooda ay ka dhacday qasriga jaceylka ee Taj Mehal.
Lamaanahan ayaa aad ayagoo u faraxsan waxey meherkooda kadib balakoonka ka salaameen taageerayaashooda. waxaana sidoo kale halkaasi ka muuqday qoyska iyo saaxiibada jilayaashaan sida walaasheed Karishma , xaaska Shahrukh Khan ee Gauri Khan , Manish Malhotra oo ah ninka xaflada dhan qurxiyay dhanka designka waxaana uu Manish sxb hoose la yahay Kareena , Amrita Arora, Sonam Kapoor , iyo Ranbir Kapoor oo ay ilmo adeer yahiin Kareena. waxaana halkaasi sidoo kale goob joog ka ahaa sidoo kale waalidiinta oo kala ah hooyadiis Sharmila Tagore iyo Kareena waalidiinteeda oo kala ah Randhir iyo Babita Kapoor.
Muuqaalka Saif iyo Kareena kadib meherkooda

Muuqaalka Saif iyo Kareena kadib meherkooda
Waxey Kareena oo 32 jir ah iyo Saif oo 42 jir ah ay wada socdeen shantii sano ee lasoo dhaafay iyagoo meherkooda dib u dhac uuku yimid kadib geeridii aabihiis waxaana ay ugu dambeyn lamaanahani noqdeen kuwa ceesh wadaagay oo isku dhamaaday.
Waxaa jilyaashan kadib arooskooda hawada ugu hambalyeeyay xiddigo badan sida Shahrukhan oo ku soo qoray bogiisa twitterka "Waxaan Ilaah ugu rajeynayaa lamanaahan is aroosay farxad iyo baraare."
Sidoo kale waxaa u hambalyeeyay saaxiibkeed hore Shahid Kapoor isagoo u rajeeyay inay Kareena ka baxin jilitaanka oo ay sii wado aflaamta.
Mabruuk ayaanu leenahay anagana labadan xiddig.
Jilaa.com