7915 | Tweet |

Shirkadda Bollywoodka oo ah mid ay ku kulasanyihiin xidigo fara badan, mar weliba waxaa kasoo baxa warar kala duwan, iyadoo maalin ay saaxibo cusub soo baxaan maalinta kalana kuwo cadaw isku ah, balse waxaa jirta murti dheheysa saaxib joogtaa iyo cadaw joogtaa intaba majiraan oo mid weliba dhamaad ayuu leeyahay.
Labada jilaa ee Salman Khan iyo Priyanka Chopra oo aan isku wanaagsaneyn ayaamahan ayaa ugu dambeyn waxaa la arkay Priyanka oo kasoo bexeysa guriga Salman, taasina waxa ay noqotay mid aragtidii hore bedesha.
Dhinaca kale Salman ayaa amaanay Albumka cusub ee Priyanka soo saartay, isagoo Twitterkiisa ku soo qoray waan dhegeystay Heesahaada cusub ee Ingiriis-ka ah, dhawr jeer aan ku soo ceshaday aad ayayna u macyihiin, nabad gelyo inanta Chopra sidaas waxaa yiri Salman.
Jilaa.com
Info@jilaa.com