9339

Amina Dhool iyo C/qaaliq Oo Soo Qaaday Heesta Lamaane.


2012-04-27 19:26:47

Heestaan waxaa lagu magacaabaa (Lamaane), waxaana soo wada saaray Fanaaniinta Qarnigaan laga daba dhacay ee C/qaaliq Maxamed Siraad iyo Aamino Cabdullahi Cumar oo ku magac dheer Amino Dhool.


Miraha Heesta waxaa iska leh Abwaan faarax Maxamed (Sabool Koriye) halka Uu laxanka saaray Muxalanka weyn Joogle shire, Musiga macaana Heesta waxaa u tumay Macalin Karaama .


Aamina oo Heestaan aad moodo inay Jaanta Iyo Ciribta la heleyso Musiga ayaa markii aad dhagahaaga amaahiso adiguba aad wax yar Nuux nuuxsi aad ka dareemi doonta . Ereyada Heesta ayaa waxaa kamida.



"(Lur Jaceylku dhaliyay Lahashiyo Kal gacal baa , labteyda Ku beertoo laxan heesa qaaliya mudaan laba liseyno caashaqa wada lu leynoo ) gunaanudka Amiina Dhool ayaa waxa uu noqonaya Inagoo Lamaana Ah Laga May isku qabanaa , waliba waxaa la socda Ficilka aamina waxay heesaha ay qaado ku dartaa jiliin soo jiidasho leh .


Cabdi qaaliq qudhiisa kama uusan yareysan Aamina Dhool) waxa uuna yiri .(Lubiga waad ka gadanta lahan yaanu kaa galin anigaba la'aanta ladi waa Go'gosha , kaa laaban maaye sidan Laan Ubax Kumaran , Inaga Oo lamaanan Laga May Isku Qabanaa )


Heestaan waxay isku darsatay Ereyo Macaan , music macaan, Dheel macaaan, iyo Jiliin dhab ah oo  labada fanaan jaanta Iyo Ciribta Isla Helay .

 

Halkaan Ka Daawo Heesta





Cabdulqaadir Shuceib

Info@jilaa.com

0
muriidi cade - 2012-04-27 20:06:03 labadaan fanaan caadi maaahan heesta ay soo qaadeen amina dhool say isu ruxeyso aa ka helaa aniga Jilaa.com Fanka wado sida aad usoo qortaaan kaliya maqaalada kusoo kordhiya waaayo waxaad leedihiin shaqaale caaboon kaliya naga daaaye nin jecleysiga
0
ibrahim - 2012-04-28 00:42:24 waaw waa hees jaceyl ah Amina dhool maxeey tiri kaa laaaban maayee sida laan ku maran ubax anagoo lamaanaa laga ma isku qabaanaa lkn aniga heesta feeling ayeey ugu reebtay maxaa yeelay I'M in love I real am .
+1
losemaria - 2012-04-28 10:43:26 wanba ku heestaa heesaha amina dhool waan ladhacay fanaanadaan heeseheeda aad bay xamaasad u leeyihinn madaxa iskadaayee lugaha xitaa wad ruxeesaa lol
0
tubeec - 2012-04-29 07:30:26 suaashaan iiga jawaaaba aamina dhool in ay tahay fanaanada ugu cod wanaagsan xiligaan shaki kuma jiro laakiin waxaa is weydiin mudan fanaaniin oo aan codkooda sareynin maxay ula heestaa, waxaa joogaan faanaaniin cod wanaagsan leh maxay ula heesi waysay mise waxay doonayasaa qof la heesaayo in ay bah disho, raga ay laheesayso isuma qalmaan cod ahaan dad waynoo maxay idiin la tahay fikirkayga?
0
kingmooha - 2012-04-29 08:20:26 9 caruur ayaa ladhalay kadib heesaan bilaabayaa ayay tiri caadi maaha aamina dhool kolayba ninkeeda kuluc weyka fanaansantahay oo wey dhaanta. ninkeeda kuluc 1 hees oo la jecelyahay malahan waa wada dac oo waliba cod malahan
0
sumeyo - 2012-05-03 05:29:12 kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk yaah gabeey caadi maha waa mashaale vvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvv
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
Please, use one email and name all the time, pretending multiple users might cuase you to be banned from Jilaa Comments.
 
 
Fanaanka Gulled Ahmed oo ka Tumay Virginia