10480 | Tweet |

Guuluhii uu ka gaaray filimka ZNMD iyo Agneepath Hrithik Roshan waxa uu u sii kacay kor, isagoo horayna uga mid ahaa xidigaha fara ku tiriskaa ee sida fudud ku helay magaca, waxaana la sheegay in Filimba midka ka dambeeya magaciisu sii kacayo Hrithik.
Qiimeyn la sameeyay Hrithik waxa uu noqday jilaaga labaad ee ugu shacbiyada badan Bollywoodka, iyadoo dadku sheegeen in taasi wax lala yaabo aysan eheyn, maxaa yeelay waxa uu sameeyay Hrithik Roshan wax muuqda oo cid qari kartaa jirin.
Hrithik waxa uu kaga duwanyahay aktarada kale, waxa uu sameeyaa hal filim markii uu dhameeyo ayuu mid kale bilaabaa, halkak Jilayaasha kale sida badan ay isku kor furan labo iyo sedax filim hal waqti, taasi waa mid kamida sirta guulihiisa, wax badan ayaa lasugaa filimadiisa laakiin marka uu soo baxo ayuu noqdaa mid aad looga helo si wanagsana loo daawado.
Shirkada Yash Raj ayaa hada u soo bandhigtay Hrithik filim cusub balse waxa uu sheegay in uu fiiri doono biya dhaca erayadiisa,marka uu kasoo jeesto shaqada Krrish 3 oo hada uu ku jiro.
Jilaa.com
Info@jilaa.com